action-shape

Go'aamada

Go'aamada dawlada ee ka hortagida xanuunka covid-19.

  • Hakinta qaadka dalka imaada

    Gudida u-diyaar-garawga iyo ka-hortagga xanuunka COVID-19 waxay maanta oo taariikhdu tahay 23 April 2020 soo saareen goaamadan 1: In laga bilaabo maalinta Axada ee taariikhdu tahay 26 April 2020 Somaliland laga joojiyay keenista iyo ka ganacsiga Qaadka ilaa maalinta salaasada ee taariikhdu 21 May 2020 oo ku beegan laba cisho ka hor maalinta ciida , iyadoo lagu xisaabtami doono xaalada isbedel ee xanuunka COVID-19 2. Maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka iyo ciidamada kala duwan ee qaranka waxa la farayaa in ay qabtaan isla markaana gubaan dhamaan wixii qaad ah ee dalka soo gala, sidoo kale waxaa lagu amrayaa inay la wareegaan gaadiidka sida qaadka ayna sharciga horkeenaan cidda lagu qabto iyadoo qaad dalka soo galinaysa ama ka ganacsanaysa.

  • Xidhitaanka masaajidada iy xadaynta rakaabka gaadiidka dadweynaha

    1: Guddidu markay deristay qodobka 6aad ee qoraalka talo soo jeedinta ah ee culimada somaliland ay soo saareen 4 April 2020 kuna aadanaa ka hortagga cudurka COVID-19 una dhigan sidam In Shareecadeenna suuban ay u bannaysay ummadda in jimcaha iyo jamaacada laga maqnaan karo haddii la helo lana xaqiijiyo daruuro adag sida xanuunada faafa iwm iyo baaqyada bahda caafimaadka Somaliland ee ku aadan xanuunka COVID-19 waxay guddidu bulshada somaliland farayaan in ay masaajiddada ka maqnaadaan muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabmaysa 15 April 2020 ayna ku tukadaan guryahooda si looga baaqsado faafidda xanuuunka covid-19 Mu'addiniinta masaajidada waxa la farayaa i ay eedaanka salaadaha ku daraan guryihiinna ku tukada (Salluu fii rixaalikum)

    2. Waxa muddo 4 todobaad ah ka bilaabmaysa 18 April 2020 lagu daray wakhtiga ay sii xidhnaan doonaan dhamaan goobaha waxbarashada dalka

    3. Waxa xidhnaan doona xadka dhulka ee somaliland ay la leedahay dalalka ITOOBIYA , DJIBUTI IYO SOOMAALIYA inta khatarka xanuunka COVID-19 ay iska bedalayso waxaana ka soo gudbi kara waxyaabaha daruuriga ah sida raashinka shidaalka dawooyinka agabyada caafimaadka iyo badeecadaha ganacsiga ee kala duwan

    4. Dhamaan marsooyinka somaliland way xidhnanayaan marka laga reebo DEKADDA BERBERA oo ay ka soo degi karaan waxyaabaha daruuriga ah sida raashinka , shidaalka , dawooyinka , agabyada caafimaadka iyo badeecadaha ganacsiga ee kala duwan

    5. waxa la farayaa mulkiilayaasha iyo wadayaasha basaka dadweynuhu adeegsadaan ee ka shaqeeya magaalooyinka waaweyn dhexdoooda in ay dhimaan kal badh (50%) rakaabkii ay qaadi jireen laga bilaabo 15 April 2020 inta laga xaqiijinayo in xanuunka COVID-19 dalka uu ka baxay .

    Qaabka basasku ay dadka u qaadayaanna waxay ay noqonaysaa sidan

    Baska 30 qof qaada waxa loo ogol yahay inuu qaado 15 qof

    Baska 15 qof qaada waxa loo ogol yahay inuu qaado 7 qof

    6. Laga bilaabo 15 April 2020 gaadiidka yaryar ee magalaooyinka dhexdooda ka shaqeeya waxa loo ogol yahay inay qaadi karaan rakaab loo qoondeeyay oo ah sidan hoosk u xusan

    VITX-ta 1 qof oo rakaab ah

    Probox 2 qof oo rakaab ah

    Bajaajta 1 qof oo rakaab ah

    7. Laga bilaabo 15 April 2020 dhamaan basaska qaada rakaabka ee u kala safra gobolada dalka waxaa la farayaa in ay dhimaan kala badh (50%) rakaabkii ay qaadi jireen inta laga xaqiijinayo in xanuunka COVID-19 dalka ka baxay qaabka basasku ay dadka u qaadayaanna waxa ay noqonaysaa sidan

    Baska 60 qof qaada waxa loo ogol yahay inuu qaado 30 qof

    Baska 30 qof qaada waxa loo ogol yahay inuu qaado 15 qof

    Baska 15 qof qaada waxa loo ogol yahay inuu qaado 7 qof

    8. Isbedelka qiimaha lagu raaco gaadiidka ee iman kara waxa isla goynaya maamulada gobolada iyo degmooyinka iyo iskaashatooyinka iyo mulkiilayaasha gaadiidka dadwaynaha si dhakhso ah

    9. Dhamaan dadka ajaanibka ah ee aan lahayn sharci ay dalka ku joogaan waxa lagu wargalinayaa inay dalka kaga baxaan muddo 5 cisho gudohood ah oo ka bilaabmaysa 15 April 2020

    10. Waxa lagu wargalinayaa bulshada reer somaliland in ciddii u hogaansami weyda dhamaan go'aamada ka soo baxay guddida heer qaran ee u-diyaar-garowga iyo ka hor-hor-tagga xanuunka COVID-19 in ay mutaysan doonto ganaax iyo xadhig.

  • Joojinta dadka ka imaanay Yurub iyo waqooyiga Ameerika

    Gudida heer qaran ee u-diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka CORONA-VIRUS waxay qiimayn ku sameeyeen rakaabka ka imanaya dalalka yurub iyo waqooyiga Ameerika ee u soo safraya somaliland oo laga cabsi qabo in qaar ka mid ah rakaabkaas ay qabaan xanuunka CORONA-VIRUS ayna dalka keeni karaan Sidaas darteed guddida waxay go'aamiyeen
    1: In laga bilaabo maalinta ISNIINTA ee tariikhdu tahay 30 March 2020 aanay dalka u soo safri karin rakaab ka imaanaya dhamaan dalaka Yurub iy Waqooyiga Ameerika
    2. Dhamaan Diyaaradaha Somaliland yimaadda waxa lagu wargalinaya in aanay rakaab ku soo socda somaliland aanay ka soo qaadi karin dalalka yurub iyo waqooyiga ameerika.

  • Karantiilka dhamaan dadka ka soo dega Airport-yada dalka

    Gudida heer qaran ee u diyaar garow kadib markii ay q 1: Waxa bulshada somaliland lagu adkaynayaa inay ka taxadiraan halista xanuunka Coronavirus ayna raacaan fariimaha wacyi gelinta ah ee loogu talo galey ka hor taga xanuunka ee bahda caafimaadku la wadaagso bulshada.
    2: Gudidu markay qiimaysay xaalada rakaabka kasoo degaya madaarka Cigaal International Airport waxay go'aamisay in dhamaan rakaabka la socda diyaaradaha ee soo galaya dalka laga bilaabo maanta in muddo 14 cisho ah lagu haynayo goobo gaar ah oo lagu karantimaynayo muddodaas oo la hubinayo xaaladooda caafimaad iyagoo rakaab kaasina isku qabi doona kharashka ku bixi doona muddadaas 14 ka cisho ah.
    3: Waxa la xidhey dhamaan xadka dhulka ee somaliland la leedahay Ethiopia, Somalia iyo Jabuti muddo saddex todobaad ah oo ka bilaabmaya beri oo taariikhdu tahay 26/03/2020 lixda maqribnimo, waxa keliya oo kasoo gudbi kara waxyaalaha daruuriga ah sida Raashinka,Shidaalka, Dawooyinka iyo Agabka kala duwan ee caafimaadka
    4: Waxa la xidhey dhamaan marsooyinka badda Somaliland marka laga reebo dekada Berbera oo ay kasoo degi karaan waxyaabaha daruuriga ah ida Raashinka,Shidaalka, Dawooyinka iyo Agabka kala duwan ee caafimaadka laga bilaabo beri oo taariikhdu tahay 26/03/2020 lixda maqribnimo,
    5. Musiiliyiinta Wasaaradaha iyo Hayadaha madaxa banaan ee dawlada waxa lagu wargelinayaa in shaqaalaha ay ka maarmayaan inay ku shaqeeyaan guryahooda yagoo shaqaalahasina ku jiri doona heegan buuxa arrintani ma saamaynayso wasaaradaha iyo haayadaha hoos ku xusan oo duruufo gaar ah awgood looga baahan yahay inay si buuxda u shaqeeyaan

    Shaqaalaha Wasaarada Hormarinta Caafimaadka

    Shaqaalaha Wasaarada Hormarinta Maaliyada

    Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta

    Shaqaalaha Madaarka Cigaal International Airport

    Shaqaalaha Dekeda Berbera


    Shaqaalaha Wadada Ceerigaabo - Burco


    Shaqaalaha Bangiyada Somaliland


    6: Hayadaha Dawlada ee u xilsaaran fulinta Go'aanada lagaga hortagayo looguna diyaar garoobayo xanuunka Covid-19 ee gudidu soo saartey waxa lagu wargelinayaa inay cidkasta oo ka dhego adaygta hirgelinta go'aanadan inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan

  • Xidhitaanka dhamaan goobaha waxbarashada

    Gudida heer qaran ee u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga xanuunka CORONAVIRUS iyagoo tixgalinaya xaalada halista ah ee ku soo korodhay aduunka ee uu sababi karo xanuunka CORONAVIRUS , waxay soo saareen go'aamadan
    1: Xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay Dhamaan xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay sida cusbitaalada iyo shaybaadhada iyo shaqaalaha ka hawlgalaba waxaa adeegsan doona wasaarada horumarinta caafimaadka markay u baahato Waxaa reeeban in dalka laga saaro dhamaan agabka caafimaadka iyo dawooyinka Dhamaan muwaadiniinta leh xirfad caafimaad ee aan ka tirsanayn shaqaalaha wasaarada horumarinta caafimaadka waxa lagu wargelinayaa in si mutadawacnimo ah iskaga diwaan galiyaan maamulka caafimaadka gobolka iyo degmada ugu dhow
    2: Goobaha waxbarashada dalka Dhamaan goobaha waxbarashada dalka ee dawladda iyo kuwa gaarka ah sida Jaamacadaha,iskuulada caadiga ah (day schools) , iskuulada hoyga ah (boarding schools) , xarumaha agoomaha wax lagu baro marka laga reebo kuwa dawladdu gacanta ku hayso oo si gaar ah loola socanayo xaaladooda waxa la xidhayaa mudo 4 todobaad ah kana bilaabmaysa 19/3/2020
    3: Masaajidada Waxaa la amrayaa dhamaan imaamyada iyo Mu'adimiinta masaajidada in ay xilliga salaada faralka ay soo kooban kana badin 25 daqiiqo sidoo kale waxaa la farayaa inay xidhaan dhamaan musqulaha (suuliyada) , iyo meelaha lagu waysaysto ee masaajidyada mudo 4 todobaad ah kana bilaabmaysa 19/3/2020 Dhamaan imaamyada iyo mu'adimiinta waxa la farayaa inay furan daaqadaha masaajidada Bulshada waxa lafaryaa inay ku soo wayso qaatan guryahooda iyo meheradahooda Qofkii dareema calaamado muujinaya hargab waa inuusan iman masjidyada ayna ku tukadaan guryahooda Waxa la farayaa imaamada inay ducada qunuuda salaadaha innooga duceeyan dhibaatada xanuunka
    4: Isu imaatinada bulshada Waxa lagu wargalinaya bulshada somaliland in la joojiyey dhamaan isu imaatinada bulshada sida shirarka, xafladaha, casuumadaha , aroosyada , isu imaatinada ciyaara , mafrashyada qaadka IWM ah muddo 4 todobaad ah kana bilaabmaysa 19/March/2020 Waxa gabi ahaanba mamnuuc ah shirarka iyo siminaarada ay qabtaan hay'adaha kala duwan ee dalka muddo 4 todabaad ah oo ka bilaabmaysa 19/March/2020
    5: Socdaalada iyo duulimaadyada diyaaradaha Dhamaan dulimaadyada ka imaanaya wadamada nidaamkooda caafimaad la isku halayn karo wax ay Wasaarada Horumarinta Caafimaadka JSL la socon doontaa xaaladda rakaabka ka imanaya iyadoo rakaabkaas baadhitaan dhammays tiran looga samayn doono garoomada diyaaradaha ee somaliland Waxa la joojiyey dhammaanba duulimaadyada iyo rakaabka ka imanaya dalalka xaaladoodu khatarta tahay sida China, Italy , Iran , France , South Korea , Spain ,Kiiniya iyo soomaaliya laga bilaabo 19 March 2020 saacada 06:00 galabnimo muddo 4 todobaad ah Waxaa dhamaan muwaadiniinta Somaliland loogu baaqayaa in ay ka baaqsadaan safarada aan muhiimka ahayn ee dalka gudihiisa Waxaa dhamaan qurbajoogta reer Somaliland loogu baaqayaa inay hakiyaan socdaalada laga maarmi karo ee ay dalka ku iman lahaayeen inta xaaladda aduunka ee xanuunkani ka soo raynayso
    6: Guddiyada Gobolada ee U-diyaar-garowga iyo ka-hor-tagga xanuunka CORONAVIRUS Si loo xoojiyo u diyaar garowga iyo ka hortagga xannuunka CORONOVIRUS waxa la dhisay guddiyada Gobolada oo ka kooban Guddida nabadgalyada ee heer gobol Isu duwayaasha wasaaradaha : Caafimaadka , Diinta iyo Awqaafta , Arimaha Gudaha , Warfaafinta iyo Waxbarashada Guddidan waxa ay fulinaysaa qorshaha wasaarada caafimaadka .